Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaaradii ay la socotay Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad oo siday deeq gargaar ah ay ka dagtay magaalada Boosaaso, ka dib markii ay saacad kahor celisay Puntland.

Is rasaaseyn kooban oo geysatay khasaaro ayaa afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso ku dhexmartay ciidamada PMPF-ta iyo PSFta ee kusugan magaalada Boosaaso, ciidanka PSF ayaa doonayey in ay soo galbiyaan kolonyada wafdiga Kusimaha Madaxweynaha, halka PMPF- ay haysteen amar kasareeya oo ah in aysan degi karin diyaaradda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Isimadda gobalka Barri ay dhankooda amreen in diyaaraddu dagto, bulshada la gaarsiiyo Deeq gargaar ee ay galbinayso Kusimaha Madaxweynaha, taas oo keentay in wafdiga kusimaha Madaxweynaha ay sinabad ah uga degyo garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here