=XIGASHO BBC SOMALI=

Kenya Airways kama hadlin qiimaha uu madaxweynuhu ka hadlay.

Advertisement

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la kulmay cambaarayn balaaran kaddib markii uu sheegay in diyaaraddii gaarka ahayd ee uu u raacay Maraykanka ay ka raqiisnayd diyaaradda qaranka ee Kenya Airways.

Si kastaba ha ahaatee, ma sheegin qiimaha ay ku raaceen diyaaradda iyo lacagta uga bixi lahayd haddii ay raaci lahaayeen Kenya Airways.

‘’Xaqiiqooyinka ka dhex jira dadweynaha uma muuqdaan kuwa caawinaya doodiisa,’’ sidaasi waxa BBC-da u sheegay Prof Herman Manyora.

Sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka oo la yiraahdo Eugene Wamalwa ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in hadallada madaxweynahu yihiin kuwa aan ku saleysnayn wadaniyad. Waxa uu sheegay in ay ahayd in madaxweynuhu adeegsado diyaaradda Kenya Airways si uu suuq geyn ugu sameeyo.

Madaxaweyne Ruto ayaa booqasho rasmi ah oo sedex maalmood ah ku tagay dalka Maraykanka, taas oo ah tii ugu horreysay ee madaxweyne afrikaana ku tago Maraykanka muddo ka badan shan iyo toban sano.

Intii uu joogay madaxweyne Ruto wadanka Maraykanka, Kenya waxa ay gashay heshiisyo maalin galineed oo ku kacaya balaayiin doolar. Sidoo kale Kenya ayaa laga dhigay dalka ugu weyn ee milatari ahaan isbahaysi la ah Maraykanka marka laga yimaado wadamada ku jira gaashaanbuurta NATO, taasoo xoojinaysa booska Kenya uga jirto dalalka Maraykanku dhinaca amniga uu xiriirka dhaw la leeyahay qaarada Afrika.

Laakiin adeegsiga diyaaradda nooca raaxada ee safarkiisii Maraykanka oo ay kaga imaanaysay cambaareyn weyn, ayaa ku qasabtay Ruto in uu jawaab ka bixiyo.

Axaddii, maalin kaddib markii uu dalka ku soo laabtay, William Ruto waxa uu iska difaacay ‘’maamulka hantida dadweynaha’’.

‘’Anigoo ku taagan ka go’naanshahayga inaan ku noolaano qiyamkeena iyo in aan ku hoggaamiyo xagga hore sameynta arintaasi, qiimaha aan diyaaradda ku raacnay waa uu ka yaraa kan Kenya Airways,’’ ayuu ku qoray bartiisa X (ee horey loo oran jiray Twitter).

Kenya Airways kama hadlin qiimaha uu madaxweynuhu ka hadlay.

Laakiin waxay u muuqatay in madaxweynuhu meesha ka saarayay warbixinnada la isla dhexmarayay ee ku aadanaa in ay u raqiisnaan lahayd madaxweynaha haddii uu raaci lahaa diyaaradda qaranka.

Marka laga soo tago faahfaahinta uu bixiyay Ruto, Kenyan badan ayaa dheleeceeyay madaxweynaha.

Mr Minyora ayaa sheegay in madaxweynaha ay tahay in uu si fiican u sharaxo arintan, si dadweynaha loogu sheego in ay sax ahayd in la adeegsado diyaaradda gaarka ah.

Waxa uu sheegay in ay ahayd in madaxweynuhu ‘’tixgaliyo aragtida dadweynaha’’ isla markaana uu sharaxo faa’iidada ku jirtay adeegsiga diyaaradda, iyadoo laga eegayo dhinac kasta.

‘’Waxan ka filayay sharaxaad noocan ah, ma ahayn mid dadweynaha uga tagaysa la yaab,’’ ayuu yiri.

Baraha bulshada ayaa lagu dhaleeceeyay madaxweynaha, in uu raacay diyaarad uusan wadanku lahayn.

‘’Waxay ahayd ceeb dal ahaan, haddii madaxweynuhu aanu adeegsan diyaaraddii qaranka, Kenya Airways, maxaa yeelay waa qaali,’’ ayuu yiri Cali Nuur Maxamed.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa werisay in tikidhada madaxweynaha iyo wafdigiisa ee qaybta dadka sare ay fariistaan ee diyaaradda Kenya Airways ay ka raqiisnaan lahayd tan la soo kireeyay.

Kharashka ku baxay diyaaradda madaxweynaha iyo wafdigiisu raaceenRuto

Madaxweynaha ayaa adeegsaday diyaarad laga leeyahay Dubai oo ah nooca raaxada ah safarkiisii Maraykanka, iyadoo ay la socdaan illaa 30 qof.

Soo kireysashada diyaarad noocan ah waxa la weriyay in ay ku kacayso $1.5 milyan marka la barbardhigo tan Kenya Airways oo tikidhadoodu ku kacayaan $300,000 oo kaliya, marka la xusho qaybta dadka sare fariistaan ee diyaaradda, wafdiga oo dhan.

Laakiin Madaxweyne Ruto ayaa u sheegay idaacadda codka Maraykanka (VOA) dhammaadka todbaadkii hore in qiyaasta qiimaha safarka ‘’gabi ahaanba laga badbadiyay’’.

Si toos ah ugama jawaabin su’aasha ahayd imisaa ku baxday diyaaradda aad kireysateen, laakiin waxa uu sheegay in lacagta la sheegayo ay tahay mid lagu qoslo.

‘’Aad ayaan uga taxadaraa isticmaalka hantida dadweynaha,’’ ayuu intaa ku daray.

Todobaad kii la soo dhaafay, afhayeenka dawladda Isaax Mwaura ayaa u sheegay BBC-da in ‘’faa’iidada ka imaanaysa booqashada ay aad uga culus tahay’’ kharashka safarka, isagoo aan ka hadlin lacgta ku baxay diyaaradda la soo kireeyay.

Dooddahan ayaa yimid kaddib markii dareen ka soo laabtay lacagta canshuur bixiyayaasha in loo adeegsaday waxyaabo ka badbadis ah xili dawladdu kordhisay canshuuraha oo la sheegay in loo baahan yahay lacago dheeraada.

William Ruto ayaa galay in kabadan 50 safar oo dibadda ah tan iyo markii uu noqday madaxweynaha sanad kii 2022 – taas oo celcelis ahaan noqonaysa sedex bilood.

Dawladda Kenya ayaa difaacday safarada madaxweynaha, waxayna ku sheegtay kuwa lagama maarmaan ah – in kastoo ay dhawaanahan soo saaraysay wareegtooyin lagu dhimayo kharashka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here