Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika uga qeybgalaya magaalada Nairobi Kenya.
Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ayaa waxaa sanadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb geli doona madaxweynayaasha dalalka Africa qaar badan oo ka mid ah iyo Madaxda Banka horumarinta Afrika.
Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda taas oo keentay in Dalka laga cafiyo Dayntii lagu lahaa isla markaana Hay’adaha Dhaqaalaha ee Adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan Dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta Maaliyadda.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here