1) Dooddada waxaa lagu soo qaaday arrimo badan sida in Qarankii soomaliyeed mar marka qaar la’yiraa milkiilaha Qaran waa hebel oo Qarankii dhammaa uu noqdo Qaran SHAQSI LEEYAHAY taas oo waayadan Dambe run aheeyd.

2) In Dowlado shisheeye ay dalkeennii iska maamulanayaan sida Dowlado Carbeed QADAR, IMAARAAD IYO KUWA KALE,

3) In Barlamankii laga sugayay in uu dowladnimada saxo in uu howl gab noqdo.

4) Saddaxda qodob oo kor ku xusan oo dowladnimada soomaaliya DHULKA LA’GALAY xalkeeda waxaa sheegay Professorska doodda ku jiro mid ka mid ah kaas oo ah: Professor Xasan oo runta TAABTAY taas oo ah in soomalida laga DHAQO AMA LAGA TIRTIRO DHAQANKII TALIS KU SHEEGGII ASKARTA maxaa yeelay Mushkiladda soomaliya heeysato waxay tahay: shacabka iyo Dowladda waxaa ku qufulan dhaqankii Talisk kusheeggii Askarta: haddii la’yiraa MILKIILAHA DALKA SOOMALIYA WAA HEBEL soomaalidu ka DIIRI MEEYSO maxaa yeelay waxay soo martay soomaliya xili uu milkiilaha Qaranka yahay hal shaqsi kaas oo ah Digteeytarkii oo qofkii uu rabo GOWRACO, QOFKII UU RABO JAGO SARE U DHIIBO, QOFKII UU RABO SABAB LA’AAN XABSI UGU HAYO MUDDO DHEER, TALLADA UMADDA SOOMAALIYEED KA DHAXEEYSO UU WALIGIIS ISKA HEEYSTO.

Marka dhaqankii ayaa soomaliya ku qufulan hadda waxaad maqleeysaa Farmaajo ayaa Barlamanka Qaranka iska qoranayo inkastoo ay Jiraan soomali badan oo diiddan haddane qaar ayaa arrintaas Farmaajo ku taageersan maxaa yeelay wali qaarkaas waxaa ku qufulan dhaqankii Taliskii Askarta, Barlamanka hadda Jiro wuxuu la’mid ahaa Golihii Sacabka oo wax walba Farmaajo ayaa u yeerin jiray laakiin shacabku ariintaas AAD UGAMA QEEYLINAYAAN Barlamanka laftiisa Buuq iyo Dood badan kama keenayaa sababtoo ah waxay wali u HOGGAANSAN YIHIIN DHAQANKII TALISKII ASKARTA.

Isku soo xoori: Xalku wuxuu ku Jiraa sida uu Professor Xasan sheegay in soomali madax iyo shacabba laga DHAQO DHAQANKII TALISKII ASKARTA OO LA’QAATO ORAAHDA PROFESSOR XASAN OO JIB CUSUB IN LAGALIYO SHABABKA IYO MADAXDA SOOMAALIYEED JIBKAAS OO AH IN AY AYAKU DALKOODA LEEYIHIIN OO UUSAN SHAQSI LA’HEEYN.

Markaas xalka soomaliya waa la’gaarayaa waxayne noqoneeysaa soomaliya Qaran sharaf leh oo Caalamka la’jaan qaado.

 

Mahadsanidiin.

Barre Shukri Elmi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here