Waxaa goordhaw doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka bilaabatay teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashada maanta tahay mid xamaasad leh oo isha lagu wada hayo.

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka  waxaa ku tartamaya 12-musharax oo isku soo taagay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen , waxaana musharaxiinta ku jira kuwa saameyn badan.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa doorashadiisa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaana ku tartamaya guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dube iyo Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac .

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka koobaad ayaa sidoo kale iyana ah mid si weyn loogu loolamayo, waxaana kursigan ku tartamaya Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug iyo Senator Cali Shacbaan  oo laga soo doortay HirShabelle.

Guddoomiye kuxigeenka labaad doorashadiisa ayaa sidoo kale xiiso gaar ah leh, waxaana kursigaasi ku tartamaya ilaa 7-musharax oo laga soo kala doortay qaar kamid ah dowlada goboleedyada sida Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here