Soomaaliya maka dhici kartaa in xukunka xoog lagu haysto ? Hadii doorashadii dhacday 2017dii Natiijada kasoo baxday uu diidi lahaay Madaxwayne Xassan Sheeq Maxaa dhici lahaay ? hadii beesha caalmka faraha ka laabato arrimaha soomaliya & Dhax dhaxaadinta Siyasiyiinta Soomaaliyeed maxaa dhici kara ? Dowladda hada jirta in looga dambeeyo dowladnimo ahaan Maxaa Sabab u ah ? Axmad madoobe & Saciid Denni in ay Dowladda soomaaliya ugu yeeraan Magaca ah Dowladda federaalka maxaa ku qasbaya ? Ma awood ciidan ? mise sharci ilaalin ? Mise Awood kale oo laga baqo ayaa jirta oo aan ahayn tan Dowladda Federalka ?

intaas oo Su’aalo ah marka aad u raadisaa jawaab toosan ,waxaa kuusoo baxaya Wax ay ku qanacdo Maskaxdaada oo ah ka fogaanshaha Qalalaase Siyaasadeed, isku day Awood Maroojin & Caburin Siyaasadeed ku wajahan Maamulada iyo Siyaasiyiinta kale,

in badan ayaad arkaysaa Taageerayaasha Madaxwaynaha oo leh Loo hakan maayo Mucaaradka, Maamul hebel waa Qaran dumis iwm, kabasoo qaad sida hada xaalka yahay ayaa doorasho lagu qabtay, Dowladdu waxeeda ayay si fiican u muufaysatay, waxaana la doortay Mar labaad Farmaajo, Mucaaradka siyaasiyiinta ah iyo Maamulada qaar ayaa diiday Natiijada, beesha caalamkana ma aqoonsan doorasho lagu muransan yahay, Xagee lala Aadayaa Dowladnimada ?

Aqoonsiga beesha caalamka iyo is ogolaanshaha dhaxdeena ah, waa tiirka ay ku dhisan tahay dowladnimadeena maanta, labadaas hadii lawaayo Ama la diido wax soconaya majiraan ,

1995tii Ayaa Anigoo Maraya baar ubax Waxaa igasoo horbaxay Dad aad ufara badan oo faraxsan, kuwasoo ku faraxsanaa Doorasho cajiib ahayd oo ka dhacday Hoyga Nabdda, Dadkaasi waxay kor uhayeen calanka Soomaaliya & Sawirka Jen Caydiid AUN, Waxay ku dhawaqayeen Caydiid ayaa la doortay ,Waa madaxwaynaha soomaaliya, Waxaase jiray kuwo Caqli badan oo ka tirsanaay Taageerayaasha caydiid oo ku dhawaaqayay caydiid ciddiisaa dooratay !

Dowladdii ugu horaysay ee aqoonsatay waxay ahayd Uganda! Awoodii caydiid ee xiligaas waxay gaarsiisnayd Xudur Caasimadda bakool ilaa iyo Gaalkacyo Caasimadda Mudug, Awood kuma yarayn balse waxaa diiday In aysan dowladiisu ahayn mid ku dhisan is ogol iyo Aqoonsi guud oo aan ka suurtagalin Qaramada Midoobay ,

Caqliga haduu nool yahay, Waaqica lajoogana la Fahamsan yahay, majiri lahayn Awood wax ku raadin iyo Taydaa jirta, hadaan laysla fahmin in dowladnimada Soomaaliya ku dhisan tahay is ogol Soomaalida dhaxdeeda ah iyo Aqoonsiga beesha caalamka ee loo qaato wax walba in lagu socodaiin karo afar Ake 47 , Waxaa hubanti ah in mar hore wadankaan xukumi lahaayeen Caydiid & Cabdullaahi yuusuf, Kuwaasoo Xoog & xeelad u maray xukunka ,balse xeero maran la xabaal galay Allaha u naxariiato labadooda,

Ibraahim Xasan

Hadaan Is ogol la raadin waxaa hubanti ah in aysan meel gaarayn hebel ciddiisaa dooratay & Xooggaga wadaniyiintaa doortay ugu dambayna waxaa laga dhaxli doonaa dib u dhac iyo Dowladnimada soomalliya oo mugdi madaxa lagasha. hadii villa Somalia oo lasii fadhiyo Dowlad lagu noqonayo , Waxaa Toban Sanno ka badan Fadhiyay Xusseen Caydiid , isagaa Dowlad noqon lahaay bal soo waraysta ,!!!

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here