Puntland ayaa walaac ka muujisay qoraalada uu soo saarayo mar kasta Madaxweyne Farmaajo oo ay sheegtay iney yihiin wax ay ugu yeertay kuwo lagu carqaladeynayo dedaalada xalka loogu raadinayo qabsoomida doorashada.

Hadalkan ayaa u muuqda mid looga soo horjeedo qoraal xalay ka soo baxay madaxtooyada Somalia oo lagu sheegay in 4ta Bishan Maarso lagu qabanayo Muqdisho saxiixa talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soo baxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaasoo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

Qoraalka Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegayo in Puntland ay shirka wada tashiga doorashada ka qeyb galayso oo kaliya xarunta taliska AMISOM iyo QM ee Xalane.

Hoos ka akhriso qoraalka Puntland oo dhameystiran

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.

Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here