Dowlada Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay 43 ruux kuwaasoo ka howlgalayay Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Itoobiya kadib musuq maasuq ay sameeyeen.
Dadkaani waxay ku eedeysan yihiin inay si sharci daro ah baasabooro u bixiyeen waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago.
Dowlada Itoobya waxay sidoo kale qaaday talaabo ay ku hakisay guud ahaan bixinta baasaboorada Itoobiya inta sida ay sheegeen wax laga saxaayo islamarkaana lala xisaabtamayo kuwa qaladaadka ku kacay.
Sida caadiga ah dalalka Afrika badankood laaluush qofkii bixiya wuxuu si fudud ku helaya jinsiyada dalkaasi iyadoo lacagta oo kaliya ay eeganayaan balse dadka qaadanaya ayaa badanaa danahooda shaqsiga ah u qaata waana yar yihiin kuwa dhanka xun u adeegsada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM