Nairobi (dayniiile.com)-Dowlada Kenya ayaa ka laabatay si kumeel-gaar ah go’aan dhawaan ay ku qaateen in la kordhiyo lacagta laga qaado dadka qaadanaya Baasaboorka dalkaasi iyo warqada ID ee Kibaandhaha loo yaqaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Prof. Kithure Kindiki ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wargelin dowladeed oo ku aaddanayd in la kordhiyay qiimaha lacageed ee dadweynaha laga qaado marka la siinaya dokumeentiyada muhiimka ah.

Advertisement

 

Dokumentiyada waxay kala yihiin Baaaboorka iyo Kibandhaha laakiin wasiirku wuxuu xusay inay dib u dhaqan gelin doonaan go’aankaan sanadka cusub.

Ujeedka ayuu ku sheegay wasiirku in shacabka fursad loo siiiyo aragtidooda ka hor inta dowladu ansixin kordhinta qidmada,wuxuu amray in shacabka la xog wareysto lana weydiiyo inay aqbalsan yihiin in lacagta la kordhiyo iyo in kale.

“waxaan amray in laga talo geliyo arintaan shacabka islamarkaana loo bandhigo si loo ogaado sida ay u arklaan go’aanka dowlada ee kordhinta lacagta qidmada ee sharciyada lagu bixiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii Dadweynaha ay cabasho ka keeneen lacagta la sheegay in lagu kordhiyay qidmada Kibnaandhaha iyo Baasaboorka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here