WARSAXAAFADEED
Ciidamada Qaranka oo soo uruuriyay meydad hor leh oo Khawaarijta looga dilay dagaalkii Ceeldheer.
Ceeldheer, 10, June 2024: Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadiga Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa helay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerartay magaalada waaberigii Sabtidii tagtay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad ah, intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib.

Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidoo kale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta, maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan.
Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysa waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda qaldeen cadowga Khawaarijta ah in ay kala soo baxaan.
Dowladda waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad-diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidinka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka, si lamid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeenna.
-Dhammaad-
May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here