MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii shalay iyo doraad war ka soo baxay Maamulka iyo Macawisleyda Gobolka Hiiraan lagu bah-dilay dowlada Somalia oo mucaawino liidata gaarsiisay Gobolkaaasi ayaa waxaa maanta jawaab uu ka soo baxay dhanka Dowlada.
Hay’ada Dowlada ugu qaabilsan maareynta iyo musiibooyinka oo warka soo saartay islamarkaana ah hay’ada lagu eedeeyay mucaawinada taariikh ahaan dhacsan ayaa war qoraala isku difaacday kaasoo ay kaga hadlayaan eeda culus ee kaga timid Hiiraan.
Hay’ada Maareynta iyo masiibooyinka ee SODMA loo yaqaan waxay beenineysaa in dawooyinkaan hoos ku qoran wixii ka baxsan ay iyaga shaqo ku leeyihiin.
Warka ka soo baxay Hay’ada SODMA ayaa sidan u qornaa:-