Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dowlada Soomaaliya Cali Balcad ayaa beeniyay warar saxaafadu baahisay taasoo ah in Dowladu kala heshiisay Itoobiya siiinta dhul badeed Soomaaliyeed.
“waxba kama jiraan  wararka sheegaya heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya”ayuu yiri Cali Balcad
Masuulkaan  wuxuu tilmaamay in Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay soo-jeedin ku saabsan in la wada yeesho heshiis gobaleed ay dalalka IGAD si wadajir ah uga faa’ideysanayaan kheyraadka badda.
Cali Balcad wuxuu intaasi ku daray in soo jeedinta Kenya ay tahay mid xal u keeni karta xiisadda hadda ka dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.
Masuuliyiinta sar sare ee Dowlada wali kama hadlin wararkaan shakiga keenay ee ka soo baxay safarka ugu danbeeya ee Madaxweyne Xasan ku tagay caasimada Kenya ee Nairobi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleKenya oo soo bandhigtay heshiis badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here