Dowladda Ethiopia oo ka mamnuucday duulimaadyadii mari jiray biyo xireenkeenka wabiga Blue Nile

0

 

Dowladda Ethiopia ayaa ka mamnuucday dhamaan duulimaadyada biyo xireenkeeda weyn ee ay ka dhisayso wabiga Blue Nile sababo amaan awgood, madaxa hay’ada duulista rayidka ayaa sheegay in madaxweynaha Itoobiya uu balanqaaday in biyo xireenka uu bilaabayo dhalinta korontada 12 bilood ee soo socota

Tallaabadani waxa sy sii xumayn kartaa muranka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam oo ay ku kacayso $ 4 bilyan oo doolar, taasoo Qaahira ay sheegtay in ay khatar ku tahay biyo-soo-saarkeeda ugu weyn.

sidoo kale Isniintii khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Itoobiya, madaxweynaha Itoobiya haweenayda lagu magacaabo Sahle Work Zewde waxay ku tiri: “Sannadkan wuxuu noqon doonaa sanad uu biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam uu ka bilaabi doono koronto dhalinta labada mashiin.”

Waxa kale oo ay sheegtay in ay socoto hawsha sidii awood loogu siin lahaa buuxinta labaad ee biyo xireenka 12ka bilood ee soo socda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here