Waa Waalidiinta qaar kamid ah dhalinyaro dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay si xoog ah ku askareyso kuwaas oo caawa dibadbax ka dhigay afaafka hore ee Xerada Mariineysa ee degmada Xamar jajab halkaas oo ay ku xareysan yihiin Dhalinyaro loo qoray in la askareeyso.

Waalidiinta qaarkood ayaa sheegay in aysan ogeyn xilliga la qoray Carruurtooda iyo halka loo wado, balse markii ay dalbadeen in Carruurtooda la siiyo laga diiday sidaasna ay ku banaanbaxayaan.

Shabakadda dayniile ayaa booqatay Goobta ay ku banaanbaxayeen Waalidiinta carruurta la doonayo in tababarka loogu qaado ererteriya, kuwaas oo Ciidamada dowladda ay rasaas ku kala Eryeen.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ilaa Afar Dhalinyaro ah ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen Ciidamada dowladda xilli dhalinyarada ay doonayeen inay ka baxsadaan xerada lagu xareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here