Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dalka Hindiya Amb Dr Virander Paul iyo Ku xigeenkiisa, iyaga ka wakiil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi  Om Birla ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Baarlaamaanada Labada dal.

Kulanka oo lagu gaaray is afgarad horu-dhac ah (MOU) oo u dhaxeeya Baarlmaanada  Somalia iyo Hindiya qodobada ayaa Kala ah .

1-In Dalka Hindiya uu siin doono Xildhibaanada BJFS Caafimaad lacag la’aan ah oo si buuxda Dowladda Hindiya ay u damaanad qaadeyso dawaynta Xildhibaanada BJFS.

2-In  Ciidanka Xoogga Dalka furimaha ku soo dhaawacma ee wax looga qaban waayo gudaha Dalka ay si lacag la’aan ah dalka Hindiya loogu soo dawayn doono.

3-In la diyaarin doono  duulimaad toos ah  iyada oo loo marayo Xafiiska ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda duulista si loo sameeyo duulimaad toos ah oo ka yimaada Muqdisho-Hyderabad.

4) sidoo kale in Dalka Hindiya uu bixin doono deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here