Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka degmada Awdheegle

 

 

 

 

Xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose, weerarkaas oo qaraxyo ku bilaawday.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaallaan hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay,isla markaana ay soo bandhigi doonaan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan Al-Shabaab ka saaray degmada,waxaana sidoo kale maalmahaan ay howlgallo kala duwan ka wadeen tuuloyiinka hoostaga degmadaas.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064