Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhaawaqday  in ay dib u fureyso safaaradeeda Soomaaliya taasoo in muddo ah ku shaqeynaysay meelo ka baxsan Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha debadda sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliya uga mahacelisay kaalinta ay ka qaadaneyso in dib loo furo safaaradda Sacuudiga ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha debadda ee Sacuudiga waxaa sido kale ay sheegtay  in dib u furista safaaradda ay door muuqda ka qaadaneyso xoojinta xiriirka labada dowladood iyo kor u qaadista wada shaqeynta labada dal.

Wafdi ka socda Sacuudiga ayaa bishii June booqasho ku yimid Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay u diyaar garowga furitaanka safaaradda oo muddo sanado ah ka shaqeyneysay dalka deriska la ah ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here