Boqolaal askari oo British ah ayaa loo diyaarinaya in loo soo diro Soomaaliya bilo gudahood si ay gacan uga geystaan la dagaalanka dagaalyahana hubaysan ee ku sugan wadankaan ku yaalla gobolka geeska Afrika sida Al Shabaab iyo Daacish.

Ciidamadaan oo ah kuwa lugta ayaa lagu kordhin doona howlgalka tababarka si ay u baraan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya sida loo burburiyo saldhigyada Al Shabaab iyo Daacish sida ay qortay wakaaladda Exclusive Mirrors ka soo baxda UK.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka milatariga Ingiriiska ayaa horey ugu sugnaa Soomaaliya iyagoo qorsheynaya in ay tababaraan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si ay ugu qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada hubaysan.

Hadalkaan ka soo yeeray saraakiisha UK ayaa imaanaya ka dib geeridii xildhibaan Tory David Amess, oo 69 jir ah, kaas oo mindi ku dilay Cali Xarbi Cali oo u dhashay dalka Britain, balse asal ahaan ka soo jeedaan Soomaaliya.

Cali  ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kaddib markii laga soo qabtay goobtii uu dilka ka dhacay 15-kii October.

Ilo wareedyo ayaa wargeyska Mirror u sheegay in ciidamo dheeri ah loo dirayo Soomaaliya ay UK horay u qorshaynaysay balse uusan la xiriirin dilka xildhibaanka.

Tiro yar oo ciidamo UK ah ayaa Soomaaliya ku sugnaa kuwaas oo in muddo ah ka caawinayey dhanka tababarada balse hadda waa la sii kordhinayaa howlgalka.

Waxa ay tababar siinayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60-aad ee ka howlgala inta u dhaxeysa magaaladda Baydhabo iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Laakin ciidamo badan ayaa la diyaariyay si ay gacan uga geystaan tababarida ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah qeybta “Danab” ee saldhigoodu yahay xerada Balidoogle.

Daily Mirror ayaa sheegtay  in cutubyo ka tirsan ciidamada lugta Biritishka oo aad loo tababaray laga yaabo in ay “Danab” kala taliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Daily Mirror: “saraakiil sarsare ayaa loo diray Soomaaliya, kuwaas oo qorsheynaya halka ciidamada cusub ay saldhigi doonaan iyo waxa ay qaban doonaan”.

“Hawlgalkoodu waa xasaasi, inkastoo tiro yar oo ka mid ah ciidamada Britain ay horay u joogeen Soomaaliya, haddana tani waxay xoogga saari doontaa howlgallada ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka UK.

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale Soomaaliya ku sugnaa muddo sanado ah iyagoo ka caawinaya ciidamada maxalliga ah in ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa saameynteedu ku fiday dalalka dhaca Bariga Afrika.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sannadkii 2010-kii weerarro ka geystay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo ay ku dileen 74-qof, iyadoo sannadkii 2013-kii ay weerar ku qaadeen xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku dileen 67-qof.

Dagaalyahanada hubaysan ayaa sidoo kale ku soo badanaysa gobolka.

Dowladda Ingiriiska waxa ay horay Soomaaliya ugu soo dirtay koox ka kooban 70 shaqaale ah oo taageera tayeynta ciidamada amniga Soomaaliya iyagoo bixinaya tababaro iyo qalabeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here