Dr Tedros Adhanom, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay (WHO) ayaa ka walaac ka muujiyay xaaladda Caafimaad darro, daryeel xumada & dawo la’aanta ka jirta Gobolka uu kasoo jeedo ee Waqooyiga Itoobiya (Ismaamulka Tigray) .

Tedros oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Geneva ayaa sheegay in xaalad halis ah ay ka jirto Waqooyi Itoobiya oo saameyn taban ku reebeen dagaallaadii dhexmaray Ciidanka Federaalka & TPLF.

Go’doonka & Xayiraadda sababta uu u ahaa howlgalka Xukuumadda Abiy Ahmed ay ugu magac dartay “Sharci soo celinta” ayaa laga dhaxlay Dawo la’aan, Dadka ayaa u dhintay daryeel xumo sida uu sheegay Madaxa WHO.

“Wax Dawo ah Dadku ma heystaan, xaqiiqdii waxa ay u dhimanayaan Macluul iyo daryeel xumo ka jirta Waqooyiga Itoobiya, Waad garan kartaa saameynta dhibaatooyinka ay ku yeelan karto Caafimaadka Shacabka” ayuu yiri Tedros Adhanom.

 

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa shaqsiyaad uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Itoobiya ahna Madaxa Hay’adda WHO Dr Tedros Adhanom in ay garab taagan yihiin Kooxda TPLF inkasta oo dhinacyada la eedeeyay ay beeniyeen jirtaanka Warkaas.

Itoobiya ayaa ku jirta mid kamid ah waayihii ugu xumaa ee dalkaas soo maray, Ciidanka Federalka & Xoogagga TPLF oo kaashanaya maleeshiyaad aan tiro laga heyn ayaa ku dagaalamaya gudaha dalkaas.

Hay’ado kala duwan yaa qiimeyn ay sameeyeen waxa ay ku sheegeen in Itoobiya dagaalka sanadka ka socda ay ku dhinteen boqolaal ruux, halka ay dhaawacmeen tiro intaa ka badan, kumanaan Shacab ah ayaa go’doon ku galay Ismaamulka Tigray halka qayb kale ay barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here