Kumanaan kun oo ka mida haweenka Dalka Kenya ayaa isugu soo baxay banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan dilal iyo kufsi lagu hayo.

Haweenkaan oo isugu soo baxay laamiyada ayaa ka cabanaya dilal kuwii ugu danbeeyay lagu qaarajiyay  in ka badan 12 haween kuwaasoo ka dhacay magaalooyinka  dalka Kenya gaar ahaana caasimada Nairobi.

Advertisement

Kooxaha ay dumarku ka cabanayaan ayaa ku dhaqaaqa kufsi iyo dil is daba socda waana mida dumarka Kenya u dulqaadan la’yihiin.

Dibad-baxayaashu waxay wateen funaanado ay ku daabacan yihiin magacyada haween la dilay bishan.

Dadka isku soo baxay oo u badnaa haween ayaa waxa ay xanibeen  isu socodka dadka iyo gaadiidka.

“Dilka naga jooji!”ayay ku qeylinayeen  Dibad-baxayaashu  iyagoo lulaya boorar ay ku qoran yihiin farriimo ay ka mid yihiin

=Ma jirto cudurdaar lagu dilayo haweenka.=

Dadka isugu soo baxay magaalada Nairobi ayaa aad uga xumaaday isku dayga ay wakiilka baarlamaanka u qaabilsan haweenka, Esther Passaris, ay kula hadashay.

Waxay ku eedeeyay in ay aamustay intii lagu jiray mowjadihii ugu dambeeyay ee dilka.

Source Aljazeera

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleArimo Qatar ku ah Dalka iyo sirro la xiriira damaca Itoobiya
Next articleDAAWO: Suldaanka Beesha Habar-yoonis oo su’aalo adag ka weydiiyay Muuse biixi arinta badda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here