Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howl-galka Amisom, Francisco Madeira oo weerar Afkaa ku Qaaday Ahmed Madoobe

0

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howl-galka Amisom, Francisco Madeira ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.”

“Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadal uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas.

Madeira ayaa sheegay in Axmed Madoobe looga baahan yahay inuu la heshiiyo beelaha kale.

“Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qaba in horey loo sii socdo, islamarkaana la xaqiijiyo in dhammaan beelaha ay isku yimaadaan, si Jubaland u hesho xal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho oo waara,” ayuu yiri.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here