Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Caawa ka dhacay Xaafada Ceelqalaw oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa Shabakada Dayniile u sheegay in qaraxa oo ahaa miino la dhigay Gooob ay ku  sugnaayeen dad u badan Dhalinyaro ay ku dhinten ka ka badan 7 Ruux 5 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo dadka qaraxaasi ku dhitay iyo kuwa ku dhaawacmay Goobta laga qaaday.

Ciidamada ayaa xiray isku socodka dadka iyo Gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana weli la ogeyn cidda lala beegsaday, hayeeshee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay yihiin dad Shacab ah.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin qaraxaas, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin guud ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here