Wararka inaga soo gaaraya degmada caabud waaq ee gobolka galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaas ka jirto xiisad kacsanaan ah,iyadoo dhanka kale dhaq dhaqaaqyo ciidan la dareemayo.

Ciidamada lagu arkayo caabud waaq ayaa waxay ka dhalatay kadib markii la isku maan dhaafay qaabka loo wajahayo dhismaha golaha deegaanka caabud waaq oo maalmahaan lagu mashquulsanaa.

Gaadiid dagaal ayaa lagu arkay iyagoo lasoo dhoobay afaafka hore ee Hotel salaama iyo madaxtooyada caabud waaq ee gobolka galgaduud.

Sidoo kale ciidamo hubeysan ayaa xiray dhaq dhaqaaqii garoonka diyaaradaha magaalada caabud waaq ee gobolka galgaduud,waxaa hadda socda qorshe ciidamada lagu xakameeyo si aanay udhicin iskahorimaad.

Mas’uuliyiin katirsan Galmudug ayaa waxay sheegeen in la xalin doono wax tabashada katimid reer caabud waaq ee gobolka galgaduud,xilli dhaq dhaqaaqyo ciidan la dareemayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here