Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari lagu soo raray waxyaabaha waxa uuna ka dhacay albaabka dugsi sare ee Banaadir, qaar kamid ah macalimiinta Iskuulka ayaa iisheegay in Ardayda oo u taagan Barxada Iskuulka oo aan wali class-yada gelin uu qaraxa dhacay.

Waxaa dumay guryo badan waxaana jiro khadaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo aan la ogeyn inta ay gaarsiisantahay.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan, waxaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan uu saameyn xoogan ku yeeshay ardayda dhigata dugsiga sare ee Banaadir oo ku yaalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan shacab marayay wadada uu qaraxu ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here