Rag hubeysan ayaa Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ah kana mid ahaa dadka degan Xaafadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxasaday.

Mid kamid ah Ehellada Wiilka la dilay ayaa Dayniile u sheegay in ragga hubeysnaa ay Wiilka ugu galeen Gurigiisa, isla markaana dhowr xabadood ay ku dhufteen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha loo dilay Wiilka Dhalinyarada ahaa oo lagu Magacaabi jiray Muqtaar Yalaxow, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kooxadaha dilka geystay ay ahaayeen Burcad dhac u geeysanayay.

laamaha Amniga degmada Kaaraan weli kama hadlin falkaasi dilka ah, iyada oo Xaafada Jamhuuriya dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay lagu dilay dhowr qofood, kuwaas oo badi dhac loo geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here