Balad-Xaawo (dayniiile.com)-Faahfaahin dheraad ah ayaa laga helayaa qarax shalay galab qorax dhicii lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi oo wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ah ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay koleynyo gaadiid ay wateen ciidamada Xoogga kuwaasoo marayay afaafka hore ee Magalada laga soo galo.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi wuxuu xaqiijiyay qaraxa oo ahaa miino wadada lagu sii aasay inay la kacday mid ka mida gaadiidkii ay ciidamada wateen kaasoo ahaa Zuzuki.
Al-qaadi wuxuu xaqiijiyay dhimashada 2 askari iyo dhaawaca sedex kale isagoona Alshabaab ku eedeeyay inay ka danbeeyaan.
“2 askari ayaa ku shahiiday qaraxa sidaas oo kale waxaa jira 3 dhaawacyo fudud soo gaareen”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka Gobolka Geddo
Dhanka kale mar wax laga weydiiyay qaraxyada soo kordhaya ayuu sheegay inay sabab u tahay markii sida uu sheegay ay tabar dareeyeen kooxda Alshabaab isla markaana ay qarax ay ku soo hareen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM