Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore ku guuleysatey in dalka deynta laga cafiyo, cunaqabateynta hubkana laga qaado, kadib markii la dhameystiray hannaankii barnaamijyadaasi looga baahnaa.

Waxaa dhanka kale haatan socda hannaanka soo afjarista Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo soo socday muddo ka badan 15 sanno, lana filayo in 31-ka December ee sannadkan 2024-ka la soo gabagabeeyo.

In laga guul gaaro hannaanka fulinta barnaamijyadan waxaa door weyn ka qaatey Hawlgalka Qaramada Midoobay, oo Soomaaliya garab taagnaa tan iyo markii ay colaadaha la dilaaceen Soomaaliya.

Maadaama ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhinacyo badan leh ayaa Dib u Eegis ay sameysay Qaramada Midoobay laba sanno ka hor waxaa ku xusnaa in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM loo rogo qaab joogitaan oo la mid ah waddamada kale ee caalamka, afka qalaadna lagu yiraahdo (Country Team).

Hannaankaasi ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu Soomaaliya u jiheynayaa dhabbada dal caadi ah oo dimoqraadi ah oo si buuxda uga soo kabtey caqabadihii la soo gudboonaadey.

Haddaba Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka duuleysa natiijada Dib u Eegista Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa dhowaan warqad lagu dalbanayo qaabka loo fullinayo barnaamijkaasi u dirtay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaan ka wareysaney si arrimahaasi uu inoogu faahfaahiyo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here