Sida BBC-du sheegtay Burcad badeed ayaa Markab ganacsi ka afduubatay xeebaha Soomaaliya kadib markii ay xoog kula wareegeen.

Hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska oo warkaani laga soo xigtay ayaa xustay in Markabka laga qabsaday meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose , dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Advertisement

Kooxaha loo yaqaan burcad badeeda ayaa la sheegay inay wateen laba doonyood iyagoo hubeysan islamarkana ay markabka fuuleen lana waregeen.

Afduubka markabkaan oo lagu magacaabo Basilisk wuxuu ku safraayay calanka dalka Liberia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMXEE

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here