MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dagmadda Waabari ayaa soo xiray Odey lagu magacaabo Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne).

Odey Gar-weyne ayaa eedeysane u ah Garsoorka dalka kadib markii uu dhawaan baraha bulshada ka soo muuqday isagoo waxkama jiraan ku tilmaamaya go’aankii Maxkamada ay dilka toogashada ugu xukuntay Sayid Cali Daauud oo ku eedeysasn inuu xaaskiisa dab ku dilay.
War ka soo baxay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu baahiyay in Mascuud Garweyne ku eedeysan yahay in uu u gafay Garsoorka Dalka islamarkaana uu waxba kama jiraana kutilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka.

Qoraalka Boliiska ka soo baxay waxaa lagu cadeeyay in Odey  Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne) dag dag loo horgeyn doono Maxakamadda awooda uleh.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, beard and text that says "SALI SALAIIG IG IISK W A NAA HARCIGA C CA C SIM"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here