MASAGA-WAA (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada ee Deegaanada Mesewagaaa nin ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Cali ibrahim Qoobey  (Cali Ceel-joog) ayaa mudo 2 sano la soo shaqeeyay kooxdaan Alshabaab.

Cali Ceel-joog wuxuu sheegay inuu Alshabaab kaga soo biiray degmada galcad ee Gobolka Galgaduu xili tababarkana uu ku soo qaatay deegaan u dhexeeya Sakow iyo Bu,aale ee Gobolka Jubada dhexe.
Ninkaan oo si gaar ah uga tirsanaa waxay ay alshabaabku u yaqaanaan Jabhadaha ayaa  uga soo cararay kooxdaasi  nolol xumida ka jirta duurka sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and scarfMay be an image of 8 peopleMay be an image of 1 person and scarf
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here