CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-War dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa looga hadlay dagaal maanta ka dhacay duleedka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Gal-gaduud oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Gal-mudug.
Halka Dagaalku ka dhay oo ah deegaanka Geerile oo ku dhaw Magaalada Ceel-dheer ayaa lagu dilay qaar ka mida kooxda Alshabaab sida Dowladu sheegtay.
Inkastoo aysan Dowladu faahfaahin tirada ay ka dileen dhanka Alshabaab hadana warkooda waxay ku gaabiyeen inay dagaalka Alshabaab kaga dileen tira ka mida.
Ciidamada Dowladu waxaa la sheegay inay iyagu weerarka qaadeen islamarkaana ka dul dheceen dagaalamayasha Alshabaab ee Geerile ku sugnaa,halkaasna la isku fara saaray.

weerarkaan waxaa qaaday Ururka 86aad ee Milatariga Somaliya iyo macawisleyda  deegaanka iyadoo saraakiisha hogaamineysay ay sheegteen guulo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here