NEW YORK (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay dhanka UN-ka ama Qaramada  Midoobe ayaa lagu baahiyay magacyada xubno ka tiran masuuliyiinta Alshabaab kuwaasoo la saaray xanibaad dhinacya badan ah.

Xubnaha cunuqabateynta la saaray waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cumar Maxamed , Maxamed Maxamuud Mire iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.

Advertisement

Ragaan waxaa lagu eedeeyay inay gacan weyn ka geysteen diyaarinta dagaalamayaasha,qorsheyntooda ,maalgelintooda iyo fududdeyntooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya  Dowlada Somalia ay codsatay in Qaramada Midoobe cunuqabateyn saarto madaxda Alshabaab waana sababta go’aankaani ku soo baxcay

liiska cunaqabateynta Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713 ayaa lagu daray xubnahaasi magacyadooda la soo bandhigay.

Cunuqabateynta waxaa ka mida xayiraad dhanka socdaalka ah iyo lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda.

“waa in lala xisaabtamo Alshabaab, waa argagixiso mas’uul ka ah dhimashada rayidka, suxufiyiinta iyo shaqaalaha Hay’adaha samafalka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay UN-ka

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here