CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Shacabka Magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta si weyn waxay u soo dhaweeyeen Wasiirka Amniga gudaha Dowlada Somalia Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) .
Wasiirka oo shalay xariga ka jaray saldhiga Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug oo dib u casriyeyn lagu sameeyay ayaa maanta u gud-bay Magaalada Cabud-waaq isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyey shacabka reer Cabud-waaq soo dhaweynta ay sameeyeen.
Mar uu ka hadlaayay ujeedka socdaalkiisa ayuu ku sheegay inay la xiriirto adkaynta nabadda iyo sidii ay isaga iyo reer Cabud-waaq u kala warqaadan lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people, dais and text that says "法 A"May be an image of 9 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 10 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here