RIYAD (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Xujeyda sanadkaan ay la kulmi karaan  kuleyl daran inta lagu jiro gudashada acmaasha xajka.

Warka Sucuudiga waxaa lagu xusay in heer kulka kuleylka uu gaari doono 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit),.

Advertisement

Masuul Dowlada Sucuduiga ugu qaabilsan Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada ayaa warbaahinta mar uu la hadlayay wuxuu sheegay koror xaga cimilada ah maalmaha xujeydu gudanayaan waaji aadkooda.

Ayman Gholam oo ah madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada ayaa intaasi ku daray in kororka heerkulka celceliska uu ka sareyn doonto heerka caadiga ah ee lagu yaqaanay Maka iyo Madiina isagoo tilmaamay inuu  hal iyo bar ilaa laba darajo.

Xarunta Sadaasha Sucuudiga waxay sidoo kale xuseen inuusan jirin wax rajo ah oo ah inuu roob yimaado taas badalkeedana uumiga huurka uu yahay 25%.

Si kastaba marka kuleylku sidaan u daran yahay xitaa dhimashada way badataa inkasroo sudiigu shaacin tira koob rasmi ah xajkii hore walow la wariyay inay dhinteen xajiki hore 240 qof oo u badan dalk Indonesia,wuxuuna heerkulku uu gaaray 48 darajo Celsius (118 darajo Fahrenheit) sida ay sheegtay Idaacada VOA-da.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here