WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareynka ayaa soo saartay sharciyo cusub oo ay isaga xakameynayaan tahriibayaasha dalkooda kaga soo gala dhanka xuduuda sida Mexico oo kale.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saacadihii uu danbeeyay saxiixay amar uu ku doonayo inuu ku xakameeyo tahriibayaasha ku soo qulqulaya dalkiisa kuwaasoo dhanka Mexio ka soo talaabaya xili dhibaatooyin badana ay la kulmaan mararka qaar.

Advertisement

Amarkan uu saxiixay Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sharci daro ka dhigaya islamarkaana diidaya in magangelyo la siiyo tahriibe xuduuda ka soo galay oo u gudbay dhanka Mareykanka taasoo xaalada ku adkeyn karta tahriibayaasha mar hadii aan la qaabili karin isagoo dhib badana soo maray.

Sidoo kale saxiixa madaxweynaha ee ka dhanka ah tahriibayaasha ayaa ku soon aadaya xilli dalka Mareykanka dhawaan la filayo inuu ka dhaco doorashada madaxwaynanimada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here