Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda waxa uu ku soo dhaweeyay Safiiradda Soomaaliya u joogo Qaar kamid ah dalalka caalamka si gaar ah Türkiye Fatxudiin Cali Maxamed, Libiya Maxamed Cabdi Aadan, Ciraaq Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Jarmalka Cabdicasiis Maxamuud Maxamed Farabadane.

Guddoomiye Maxamuud ayaa Safiiraddaan uga warbixiyey Xaaladda bini’aadannimo ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay hay’adda, in dhibaatooyinkii ka dhashay isbeddelka Cimilada ay sababeen barakac iyo qasaaro naafeed. Isagoo sidoo kale ka codsaday in xogahaan la wadagaan wadamada ay Safiirada ka yihiin iyo in dowladahaas hay’adda ka cawiyaan Xasillinta , soo kabashada, iyo dib u dajinta shacabkii ka soo barakacay degaanadooda.

Dhinaca kale Safiiraddaan ayaa hay’adda Maareynta ku ammaanay shaqada adag ee dalka iyo dadka u hayso, waxqabadka muuqda ee ay la yimadeen mudada kooban, dhankoodana ay farimahaan gaarsiin donaan Dowladaha dalalka ay Safiirada ka yihiin iyo hay’addaha ka howlgala.
May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 6 people, television and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and studyingMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and textMay be an image of 8 people and text that says "SODMA DMA D SODN S M A SOMALIDISAS STERMANAGEMEN SOMALIDISASTERMANAGEMENTAGEI AGENCY r"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here