Muqdisho, 04 June 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula yeeshay heerarka kala gedisan ee Maamulada Degmooyinka, Warta Nabadda, Shangaani, Boondheere iyo Xamarweyn.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Maamulada afarta Degmo ee Shangaani, Boondheere, Xamarweyne iyo Warta Nabadda, kaasi oo ay kusoo bandhigeen Horumarada kala gedisan ee ka jira Degmooyinkaasi iyo Caqabadaha heysta, iyagoona dhinaca kale xusay in ay wadaan qorshayaal horumarineed oo ay ka fulinayaan Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Maamulada Degmooyinka in ay dardargeliyaan adeegyada ay u haayaan Bulshada, isla markaana si dhaw loogu war haayo bulshada lana gargaaro dadka dantayar, asigoona dhinaca kale faray Maamulada in la xoojiyo La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada iyo soo celinta Bilicda iyo Nadaafada.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person, studying and textMay be an image of 2 people, people smiling, dais and newsroomMay be an image of 2 people, beard, dais and newsroomMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom and text that says "지형 NNe"May be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, glasses, dais and newsroomMay be an image of 3 people, newsroom and text that says "山が DE ክርም"May be an image of 2 people, beard, people studying, people smiling, glasses and textMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here