MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxay qorshe niyad jab ku noqon kara qoyska Allaha u naxariistee Luul C/qaadir oo ah hooyo uu dhawaan gubay ninkeeda oo isna Maxkamaduhu ku xukumeen dil toogasho ah kaasoo lagu magacaabo Sayid Cali.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in awowga qoyska Sayid Cali oo ka soo jeeda Beesha Saleebaan-Habar-gidir inay la heshiiyeen nin awow u ah  caruurta Luul C/qaadir oo ka soo jeeda Beesha Xawadle kaasoo u ololeynaya in arinta si hoole loo dhameeeyo.

Advertisement

Wararku waxay intaaasi ku darayaan in awowga uu warqad ka soo qorey Sacuudiga islamarkaana ay gadaal ka riixayaan abuukaataha Sayid Cali iyo reerka uu ka dhashay si ay u abuuuraan qaab lagu bad-baadin karo oo ah in reeruhu wada -xaajoodaan si diyo loo kala qaato.

sharci ahaan waxaa meesha soo geli karin in Luul aabaheed oo leh dhiiga in dad kale ay xaal mastuur keeni karaan diyana dalban karaan.

Ninka awowga ah ee Sucuudiga jooga waxaa la sheegay in balanqaad lacageed lagu soo jiitay iyo arimo kale oo isaga danihiisa laga dheh tuay balse dadaaladaasi oo loo maleynayo inuu wado abuukataha Sayid Cali waxaa loo badinayaa sharci ahaan ineysan shaqeyneyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here