Siyaasiga Cali Yarre Cali oo Dowladii hore ka soo noqday Gudoomiye xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu talo muhiim ah u soo jeediyay Dowlada Soomaaliya.

Cali Yare Cali ayaa taladiisa ka hor wuxuu qoraalkiisa ku amaanay talaabadii Dowlada Soomaaliya ay ku xirxirtay inta badan dadkii baraha bulshada ku soo gudbiyay hadalada kicinta bulshada iyo iska hor-keenka qabiileysan.

Advertisement

Guud ahaan qoraalka Cali Yarre Cali ayaa sidan u qornaa:-

Meeshii Muqdisho aheyd gacan aamaano ah ayay gashay maalmahaan waanan u riyaaqay shaqada dowladda dhanka akhlaaqiyaadka bulshada iyo la xariirta u qaaday gaar ahaan booliska qeybta guud.

Waa laga yaabaa ineey bulshada qaarkood ay sahashadaan ama ay xaajo iska caadi ah u qaataan dadka baangadaha isku qaatay ee waddooyinka magaalada isku ballansaday, kuwa iyagoo shacab ah sheegay in ay dowladda afganbinayaan iyo kuwa degmooyin dowladdu aqoonsatay dab qabadsiiyay intaba ee Rati weyne iyo reer-koraad u kala baxay, laakiin waxaa marqaati madoonto in dowladdu ay xabsiyada ku gurtay.

Markaan tallaabada xigta ee naga dhimman waa dowladdeenna oo si degdeg ah hey’adda isgaarsiinta qaranka ugu soo magacoowda qof aan LIIDAN oo dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta bulshada ka heeysta, si ay iskula jaanqaadaan tallaabooyinka laamaha amnigu qaadeen iyo dagaal dhanka hey’adda isgaarsiinta qaranka looga qaado markii maareeye shaqada qaban kara la soo magacaabo.

Sidoo kale wasaarad warfaafinta oo siyaasadda dowladda bulshada u fasiri karta iyo haddiiba la heli karo nuu lagu soo nooleeyn karo telefeshinkii dowladda ee burburay.
Maxaa ka jira in Cali Yare Cali lagu xiray magaalada…?
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here