Kooxda Alshabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah ayaa la soo sheegayaa in taliye cuisub ay u magacaabeen maleeshiyaadkooda.

Xuseen Macalin oo ah la taliyaha amniga Qaranka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in asbuucaan kooxda Alshabaab magacowday taliye cusub.

Advertisement

Xuseen Macalin inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego magaca ninka taliyaha looga dhigay kooxda Alshabaab ayaa hadana warar aan helnay waxay sheegayaan in lagu magacaabo  Guuleed Ilkacase.

Inkase ma jirto wax faah-faahin ah oo laga helay xogtiisa iyo shaqsiyadiisa halka kaga soo biiray kooxda madaama badanaa ay isticmaalaan magacyo faalso ah.

Xilka Taliyaha kooxda Alshabaab waxaa hore ugu magacownaa Yaasir Jiis kaasoo ku jira liiska xubnaha ugu sareeya waxa loo yaqaan  argagixisada oo Mareykanku aad u doon doonayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here