Qaraxa oo geystay khasaaro naf iyo maalmo leh ayaa waxaa gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah uu ku qabsaday degaanka Xujoob oo 10km dhinaca Koofureed kaxiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu qabsaday Gaari Homay ah oo ka baxay Magaalada Beledweyne, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay hal Ruux halka ay ku dhaawacmeen  ruux, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya a ku baxeen deganka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo u gurmanayay dadka qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa bilihii la soo  dhaafay kusoo batay qaraxyada Miino tan io makii ay bilaawdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana qaraxyadii ugu dambeeyay ku dhintay in ka badan 10 Ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here