Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo qarax oo xoggan  laga maqlay degmada Jalalaqsi waxana la soo sheegayaa  in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu soo  gaaray dadka rayidka ah iyo ciidamada dawladda.

Dad  goobjogayaal ah oo u warramay warbaahinta shabakada dayniile ayaa sheegay labada qarax oo ahaa kuwa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay  isalamarkaana uu ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca  waxaana la xaqiijiyay in 8 ruux ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmen.

Wararka ayaa  intaas ku daraya In qaraxa koowaad  uu ka dhacay Agagaarka  Buundada degmada Jalalaqsi  ee gobolka hiiraan oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeyb  ka ah howlgalka ATMIS.

Qaraxa labaad ayaa la tilmaamay in uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah waxaana ka soo gaaray khasaare kala duwan goob joogaayaaa ayaa xaqiijiiyay in askar wadada mareysay ay rasaaseeyeen gaariga qaraxa ku rarnaa sidaasna uu ku  qarxay .

Sidoo kale degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa iyana qarax uu ka dhacay lamana oga khasaarahaa ka dhashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here