Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida Soomaaliya ahna la taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa maxkamadda sare ee dalka u gudbiyay cabasho ah ka dhan ah go’aankii  guddiga doorashada ee  ku saabsanaa in dib loogu noqdo doorashada kursiga uu ku guulaystay 20 febraayo.

Qareenka u doodaya Fahad Yaasiin, oo lagu magacaabo Sakariye Maxamuud Ismaaciil ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka lagu hakiyay kursiga HOP086. Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax dacwad ah lagasoo gudbiyay kursigaas.

Dhinaca kale, maxkmadda sare ee dalka oo kasoo jawaab celisay cabashadan, ayaa waxay garyaqaanka guud ee dowladda fartay inuu cabashadan kagasoo jawaabo muddo labo cishe gudaheed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here