Falanqayn.

Dad badan ayaa iga codsaday in aan lawadaago Aragtidayda doorashada gaar ahaan tii guddoonka baarlamaanka ee xalay bilaabatay lana doortay guddoomiyaha baarlamaanka.

Dadka qaar waxay bixiyeen aragtiyo ku aadan sida ay latahay, iyadoo qof walba wax kucabiray fahamkiisa & jacaylkiisa shaqsi ama koox.

Anniga hadaan wax iftiimiyo, waa marka kowaade doorashada aadan madoobe ee loo doortay guddoomiyaha waxaa iska kaashaday kooxo badan, fikirka ololaha in ladoorto guddoomiye aadan madoobe waxaa lahaay Sheeq Shariif sh. Axmed, balse sida saxda ah shariifka malahayn awood uu ku xaqiijiyo 50% guusha aadan madoobe.

Safarkii maalin dhawayd saciid Deni kuyimid muqdisho waxaa si deg deg ah kula kulmay sheeq shariif oo kubooqday hoyga deni degan yahay, dad badan ayaa layaabay in sheeq shariif oo soo noqday madaxwayne isaga booqdo Deni, balse waxaa jirtay howl sheeqa utaalay oo kawayn waxaas taasoo ahayd in uu Deni kacodsado in ladhiso sheeq aadan madoobe, Axmad madoobe hogaanka jubbalanad horay ayuu ugu qanacsanaay in sheeq shariif lala dhiso guddoomiyaha baarlamaanka.

Intaas waxaa dheer in kooxaha mucaaradka uusan jirin mid diidanaay dalabka sheeq shariif ee ah in lala dhiso Aadan madoobe, wareeggii koowaad Aadan madoobe waxa uu helay codadka jubaland & puntland iyo xildhibaanada Damjadiid & Himilo qaran, taasoo dhaafi wayday 74cod, wareegga koowaadna waxaa gacan sareeyay Musharaxa Nabad & Nolol.

Wareeggii labaad waxaa 80 xildhibaan ku kordhiyay Aadan madoobe kooxaha qarsoon ee aan xiriirka la lahayn puntland , Jubnland, damjadiid & Himilo Qaran, balse ay wadaagaan in meesha laga saaro N&N oo kaliya, sidoo kale waxaa N&N kasoo jabay 9xubnood oo awal codka siiyay Musharaxooda.

Markaan intaas isla fahano kadib, waxaad ogaanaysaa in ay jiraan sadax qayb oo kala ah,
1- isbahaysi udhaxeeya puntland, jubbaland, Damjadiid & Himilo Qaran kaasoo Awooddiisu tahay illaa hadda 74xubnood aqalka hoose,
2- N&N oo ahayd Awooddii Muxaafidka oo iyadana haysata 89 cod oo lahubo.
3- awoodda isbadalka qarsoon ee kooxda washamsiga oo la aaminsan yahay in ay garab uyihiin Musharax kale oo aan labadaan hore ahayn kuwaasoo haysta illaa hada 80 xildhibaan Aqalka hoose.

Marka lagaaro tartanka madaxwaynaha qaybta koowaad waxaa usharaxan illaa afar musharax oo ay kamid yihiin deni, shariif & Xassan sheeq, waxaana kadhaxaysa 74 cod iyo waxyar oo lafilan karo, sida ay ugu heshiiyaan ama isugu tanaasulaan waa arrin kale.

Qaybta labaad waa N&N waxa ayna haysataa 89 cod inta lahubo ee la ogaaday, taasoo aan usuurta galinayn guul.

Qaybta sadaxaad oo ah qolo kamid ah isbadal doonka hadana aan ahayn labadaas qayb ee hore, waa qaybta xalay qaaday weerarka washamsiga waxaana iska cad in ay wataan siyaasad isbadaldoon ah oo aan ku salaysnayn danaha isbahaysiga koowaad, waana kuwa mar walba xaaladda dhinaca kala baxa urogi kara, kooxda N&N codadkeedana waa kuwo qaybsami doono haba loo kala badnaadee.

Qore: Avv Ibrahim Cawale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here