Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddi baaritaan daah furan ku sameeya Kiiska Ikraan Tahliil u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo saddex xubnood oo ay soo magacaabayaan Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Xoogga dalka iyo Nabadsugida.

Tallaabadan ayaa loo arki karaa in Madaxweynaha uu labo ujeeddo ka leeyahay mida koowaad ayaa ah inuu Kiiska kala wareego Ra’iisul Wasaaraha iyo tan labaad oo ah inuu isaga meyro eedda maalmahan loo jeedinayay ee ahaa inuu hortaagan yahay cadaaladda Kiiska Ikraan.

Magacaabidan ayaa ku soo aaday, iyadoo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay qabatay gal dacwadeed ka dhan ah madaxda Hey’adda NISA, iyadoo Madaxweynuhu uu Guddiga uu magacaabay ku soo daray mid ka mid ah Hey’addii dacwada laga gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here