Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan ayaana looga arinsan doonaa khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya iyo sidii maamulada xal waara uga gaari lahaayeen khilaafka taagan si loo guda galo doorasho raali lagawada yahay.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ku cadaadisay in shirkan iclaamiyo kadib codsi ka yimid Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ku baaqay in shir wadatashi ah la isugu yimaado.

Shirkan oo si weyn loo hadal hayo in aysan kasoo bixi doonin natiijo wax ku ool ah ayaa hada dhinacyada waxa ay bilaabeen abaabul iyo kala war qaadasho kahor inta shirka aan la isugu imaan Dhuusomareeb.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo telfoono kula hadlay Madaxda maamulada taabacsan ee K/Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir, waxa uuna kala hadlay sidii aragti mideesan shirka ula tagi lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka cabsi qaba in maamulada uu hada heesto gacantiisa ka baxaan ayna la saftaan maamulada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu is baheestay kana soo horjeeda siyaasadiisa dib usoo noqoshada.

Wadahadlo dhinaca telfoonka ah oo dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamulada taageersan ayaa inta badan isla gartay ajandayaasha shirka iyo sidii go’aan mideesan shirkaasi ula tagi lahaayeen.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyana dhankooda la sheegay in telfoon kuwada hadleen ayna iska wareesteen ka qeyb  galka shirka iyo waliba ajandayaasha ay shirkaasi latagi doonaan.

Shirkan ayaana la ogeyn waxa uu ka bedeli doono ismari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya, shirarkii horey u dhacay go’aanadii laga soo saaray ayaa noqday kuwa aan dhaqan gelin oo halkan soo gaarsiiyay is jiid jiidka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here