Farmaajo waa madaxweyne hore oo Soomaaliyeed marka uu xilka ka degtay Dastuurka ayaa damaanat qaaday oo waxa uu Qaranka ku leeyhay Lacag sharcigu u qoray & Miisaaniyad u gooni ah, intaas waxaa loo samayeeyay in la ilaaliyo sharafta Madaxwaynaha si dimoqoraadi ah xilka uga tagay, hadii layiraah madaxwaynihii ayaa hooy la’aan ah oo aan haysan daryeel, mar waxay xadgudub kutahay dastuurka dalka oo iyadoo qasnadda dowladda kabaxayso miisaaniyad gaar ah oo loogu talo galay daryeelka Madaxwayne hore ayaa bulshada soomaaliyeed & Tan caalamka loo muujinayaa in soomaaliya dayacday madaxwayne xilka soo qabtay oo si Dimoqoraadi ah uga tagay.

Iyadoo laqaadanayo Misaaniyaddaas dastuurku ansixiyay in hadana shacabka loo gacan hoorsado waa siyaasad xumo, waxaana muuqata in aan laga fekerin dhaqankaas oo xaqiiqdii ah mid siyaasad laga leeyahay balse loo maray jid fashil ah.

Maka tanaasulay Ex madaxwayne Farmaajo Misaaniyadda Dastuurku siiyay ?

Mar hadii madaxwaynihii hore kuqancay in shacabka loo galo oo qaaraan uu kunoolaado looga raadiyo, taasi waxay lamacno tahay in uu xuquuqdii uu kulahaay qaranka uu soo hogaamiyay waayay, balse isaga oo qaadanaya xuquuda qaranku siiyay & Miisaaniyad gaar u ah mahaboono in dhaqanka ah madaxwaynihii hore ayaa dayacan oo hooy la”aan ah, waana xadgudub Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here