Faroole” Ficilka maanta socda waa burburin”

Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad ka jeedinaayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay horumarinta dalka.

Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed.

“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin”ayuu yiri Senetor Faroole.

Dhammaan Xaaladdaha Jahwareerka ah ee dalka ka jira ayuu sheegay in uu sabab u yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo aan diyaar u aheyn.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064