Farqiga u dhaxeeya Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne QoorQoor!

Doorashadii ka dhacday waddanka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka waxa untaba uu jab xooggan kasoo gaaray maamulka Galmudug oo lumiyay kuraas ay horay ugu fadhiyeen xubno laga soo doortay maamulka Galmudug.

Kuraasta ay Galmudug dhumisay ayaa kala ah Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare ee uu ku fadhiyay Sen. Abshir Bukhaari iyo Guddoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo uu horay ugu fadhiyay Mahad Cabdalla Cawad kaas oo caawa ku guuldarreysay dib loogu doorto kursigaas.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa siyaabo kala duwan u micneeyay arrintaan, iyagoo wax walba ku tusaaleeyay hoggaan xumada heysta maamulka Galmudug.

Dadka reer Galmudug ayaa u muuqda kuwo indhaha ka fiirsanaya hoos u dhaca siyaasaddeed ee uu maamulkaas waajahayo haddii ay tahay mida gudaha iyo mida Federaalka intaba.

Haddaba, Miyeysan ahayn in Axmed QoorQoor la iska qabto oo hoggaan xumadiisa la dhaafiyo dadka reer Galmudug mase indhaha ayaa laga daawan doonaa

Cali Aadan Muumin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here