Fataahad uu sameeyey Wabiga Shabeelle oo ka fatahay deegaano hoostaga Degmada Balcad

Sida aan la socono waxaa dhawaaan la shaaciyey in dalal soomaali ay ka mid tahay dhawaan ka dhici doona roobab wata duufano aya hadane Wabiga Shabeelle ee mara deegaano ka tirsan labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa uu fatahaad horleh ka sameeyey tuulooyin hoostaga degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaannada uu Wabiga ka fatahay saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka Bari ee degmada Balcad,sida Farbarako,Jameeco,Damaleey,Faaydhuxul, Yaqlow,Zeydiir,Koorebe,Muka-dheere, Barwaaqo,War-gaabo iyo Tuuloyin kale,waxaana uu babi’iyey dalagyadii ku beernaa Beeraha ku yaalla tuulooyinkaas.

 

Qof kamid ah dadka ku sugan Tuulada Farbarako ayaa sheegay in fatahaada uu sameeyey Wabiga uu baabi’iyey Beero farabadan,sidoo kalena ay ka barakaceen dad lagu qiyaasay in ka badan 10,000 oo Qoys.

 

Dadkii ka barakacay fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ay soo gaareen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana dadka ku harsan tuulooyinkaas soo wajahday cabsi,kadib markii uu Jabsaday keyd Biyo xireen ahaa oo ku yaalla duleedka Tuulada Xawaadley iyo Wabiga oo labadii Maalmood ee ugu dambeysay kusoo daray Biyo badan.

Sikastaba ha ahaaate Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan sheegay in dadka Soomaaliyeed,Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka uu saameeyey fatahada Wabiga.

 

     

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064